1 min read

Duqa Muqdisho oo bulshada ugu baaqay ka qeyb qaadashada dib u dhiska waddooyinka+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa xariga ka jaray dhismaha wadda Interlock ah oo laga fuliyay sadax waddo oo ku dhacda Waddada Taleex iyo Xaaji Baasto, taas oo dhismaheeda ay iska kaa shadeen Maamulka Degmada iyo bulshada, waxaana mashruucaas fulisay shirkada Horyaal Interlock.

Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle ayaa tilmaamay in dhismaha waddadan ay baahi weyn u qabeen bulshada reer Hodan, maadaama waddooyinkan ay yihiin kuwa ganacsi.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa waxa uu tilmaamay in horey loo sii wadi doono mashaariicda dhismaha wadooyinka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dadweynaha Gobolka Banaadir ay u istaagaan xoojinta ka qeyb qaadashada mashruuca dalkaaga ku dhiso Hal Doolar oo ah mashruuc ahmiyad gaar ah siinaya dhismaha waddooyinka Magaalada.