1 min read

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhacay deegaan u dhow Buur-hakaba ku dilay 10 Al-Shabaab ah.

Muqdisho :-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba.

Hawlgalkan oo dhacay Maqribnimadii caawa waxaa lagu dilay toban ka tirsan Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobtaas.

Goobta hawlgalku ka dhacay waxa ay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay lacgo baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool gobalka Baay.

Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed.