1 min read

Ciidamada xoogga dalka oo 30 Al-Shabaab ah ku dilay deegaanka Ceel-qurac.

Muqdisho : – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelada dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa SONNA u sheegay in howlgalka ay Ciidanku ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijta Al-Shabaab.

Mudane, Al-caddaala ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu howlgalkaasi ku dileen in ka badan 30 ka tirsanaa Khawaarijtii halkaas ku sugnayd, iyagoo kala wareegeen hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta, waxaana hadda socda howlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta.