2 mins read

Ganacsiga Xurta ah iyo Cadayga Gudaha.(Tartanka Ganacsi ee Caasho Agoon iyo UAE)

Waa fiican tahay in Ganacsigu uu Xur noqdo. Waxaa imaanayo Tartan, waxaana Badanaa ka dhalan karo Labo sheey oo shacabka u fiican oo kala ah in Ascaartu ay hoos u dhacdo iyo in Tayadu wanaagsanaato. Kan wax soo saro waxa uu ogaana in Dadka ay gadanayaan sheeyga ugu tayada fiican uguna raqiisan haddii la helayo.

Laakin waa in Dowladu ay ka fikirtaa waxa ka dhalan karo Ganacsiga Xurta ah, ayna ku ilaaliso xadka ay ku jirto danta Dadku.
Haddii laba Dal ay Ganacsanayaan, waxaa ka dhasho saddax mid. In lagaaro Barta dheeli tirka ee labadaba Faa’iido ugu jirto, in Adiga lagu dul saarnaado ama Adigu aad Dul saarnaato dhinaca kale.
Marka waa in si taxadar leh loo fiiriyo maxaa ka dhalan karo Ganacsiga aan la leeyahay Caalamka guud ahaan iyo si gooni ah shey kasta ee aan dhoofiyo ama la ii soo dhoofiyo marka aan ogolaado Ganacsiga Xurta ah. wax Adagna ma ahan si lagu ogaado ama loo xaliyo.

Waxaa la hadal hayaa in Caday Dibadda laga soo dhoofiyo la keenay Somaliya, ” Anigu weli ma arag, waanse soo ogaanaa”.

Maxey ku kala duwan yihiin Labada Caday?

A. Tusaale Cadayga Somaliya waa mid ku fiican Cadayeeysiga. Geedkiisa Xooluhu badanaa ma daaqaan, Dadkuna ma jaraan xattaa hadduu beerta ku dhaxyaal, Sababta oo ah ma ahan Geed wax lagu oodi karo ama la shidan karo.
Dadku waa ka ganacsadaan, waxaa laga soo ururiyay Miyiga, waxaa la keenaa suuqa isaga oo jumlo ah, Dad ayaa Biil ka raadsado waana la canshuuraa, kuwa kale ayaa ka sii iibsado oo xaafadaha ku sii wareejiyo si ay Nolol maalmeedkooda uga sii raadsadaan, waxaa laga yabaa in wakhtiga ugu fog ee la soo guray uu shalay ahaa.
B. Kan Dibadda waxaa uu ku jiraa Bac Caag ah oo aan Caafimaadka u wanaagsaneeyn. Waxaa lagu shubaa dareere Kiimiko ah si uuna dhaqsi ugu qalalin,waxaana TV-yada loogu sameeyaa xayeysiin Been u badan.

Intaa waxaa kuu sii dheer, Gabadhaan yar ee Agoonta ah ee lagu magacaabo, “Caasho” ganacsigeedu Suuqa ma kula tartami karaa isla badeecadii Cadayga oo Dubai laga keenay?. Hadeeyna Dowladu ilaalin Xuquuqda iyo Ganacsiga Muwaadinaddaa Agoonta ah ee aan Maanta la kulmay, sideey u saameeynee danyarta? . ( F.S: 1-5aad)

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii la dhimana ku dar.

Qore: Yahya Amir