1 min read

War Deg Deg ah : Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhowed gaaray Jawhar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jowhar , iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynaha ayaa Jowhar u tegay dardar gelinta la dagaalanka AS iyo xalinta khilaafyada ka jira Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Jowhar, halkaas oo lagu arkayo Ciidamo amniga xaqiijinaya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda Hir-Shabeelle eek u sugan Magaalada Jowhar iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka.