1 min read

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha meelo kamid ah dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeeysata dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u Naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Axmed cabdulle ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Dukaan uu ka Shaqeeynayay oo kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee Magaalada Cape Town ee Dalka K/Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu falka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka kadib Kooxda Burcadda aheyd ay dhac u geysteen dukaankii uu ka Shaqeeynayay Muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo qaatay agab iyo lacag badan oo taallay.

“ Markii ay soo galeen Dukaanka uu ka Shaqeeynayay Muwaadinka Soomaaliyeed oo kaligiis ahaa dhowr xabadood ayay qeybaha sare ee jirkiisa uga dhufteen, markii uu dhulka dhacay oo uu dhintay dhac ayay u geysteen mana jirin dad u soo gurmaday oo si tartiib ah ayay ku baxsadeen ayuu yiri” mid ka mid ah Soomaalida.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayaan Kooxdii ka dambeeysay dilka wallow dhowr jeer sidaan oo kale loo dilay Dhalinyaro Soomaaliyeed balse aysan waxba ka qaban.

Goobta lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Degmada kheyletsha ayaa ka mid ah degaannada ay Soomaalida ku leeyihiin ganacsiyada xoogan, waxaana mar walba ka dhaca falal dilal iyo dhac ah oo loo geysto ganacsiyada Soomaalida, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay wax ka qabashad falalkaas.