1 min read

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha.

Muqdisho ;-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda,

Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumadda iyo ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoosta ka xariiqay in Agaasimayaasha guud ee Wasaarradaha ay  lafdhabar u yihiin horumarinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha Xukuumadda ayna wakiil ka yihiin hay’adaha Dowladda, isagoo ku adkeeyay inay laba-laabaan gudashada waajibaadka saaran.