1 min read

Xukuumadda Soomaaliya & Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay sidii looga guuri lahaa kaalmada bani’aadanimo.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay, Lionel Laurens.

Kulanka ayaa looga hadlay fulinta mashaariic hormarineed kuwaas oo qeyb ka noqda dadaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii looga guuri lahaa kaalmada bani’aadanimo islamarkaana si buuxda loogu wareegi lahaa mashaariic hormarineed. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.

Sidoo kale kulanka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo Wakiilka Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay, Lionel Laurens ayaa sheegay in ka guurista kaalmada Bani’aadannimada in qeyb weyn ka cayaaraysa kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa uga mahadceliyay UNDP  taageerada ay mar walbo la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.