1 min read

Goobihii laga saaray khawaarijta oo laga billaabay dib u soo celinta adeegyadii Bulshada.

Muqdish’ Gobolka Shabeellaha dhexe degaanno ka tirsan ayaa laga bellaabay mashaariic dib loogu dhisayo Xarumihii adeegyada bulshada sigaar degaanadii laga xoreeyay khawaarijta.

Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dexe oo kamid ah degannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa dhawaan laga daahfuray mashruuc lagu dayactirayo Ceel-ka degmada ee Ceel-Siyaad oo 20-sano aan helin wax dayactir ah.

Ma ahan Gobolka Shabeellaha dhexe kaliya goobaha ay dowladda ka hirgalisay adeegyada bulshada ee waxa jira degaanno dhowr ah oo ay dowladu gaarsiisay adeegyadii Bulshada u baahneyd,sida Cafimaadka,Waxbarashada iyo Aminga oo mudda dheer khawaarijtu ku hayeen dhibatooyin kala duwan.

Dowladda soomaaliya ayaa waxa ka go’an in ay soo afjarto kooxda khawaarijta arxanka daran degaannada ay kaga dhumaleeysanayan gobolada dalka,iyadoo dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee looga saaray degaanada ay kaga suganyihii dalka