1 min read

Sidee uga fal celiyeen ciyaar yahanada kale ciyaaryahanka Muslimka ah ee lagu eedeeyey kufsiga?

Ciyaar yahano kala duwan, ayaa ka fal celiyey go’aankii laga gaarey fal dambiyeedkii loo heystay ciyaar yahan Benjamin Mendy.

Ciyaar yahanada kala ah, Vinicius, Paul Pogba iyo Memphis Depay, ayaa dhamaantood waxay kal hore u taageereen, oo ay barbar istaageen ciyaar yahan Benjamin Mendy, ka dib markii ay ku waysay dambi maxkamadda Chester Crown.

Fal celinada lasoo gudbiyey, ayaa sidoo kale waxaa kamid ah, “Waan ka xumahay wax kasta oo aad soo martay, Benjamin Mendy. Waxaad lumisay laba sano oo xirfaddaada ah”.

Su’aasha taagan, ayaa waxay tahay maxaa lagu hagaajin doonaa dhibaatada soo food saartey ruuxa eeda la isagala dul dhacay?

Laakiin taasi waa tan ugu yar xaaladdahan oo noocan oo kale ah. Ka waran dhaawaca nafsaaniga ah?

Hubaal in nolosha qofka aanay weligeed dib ugu soo noqon doonin sidii hore. Dhaqanka sumcad dilka, ayaa haddana dhibane ka dhigaya ruuxa.

Ilaa goorma ayaa nala eedayn doonaa, oo haddana nala xukumayaa anagoon xaq u lahayn difaaca aasaasiga ah?

Sidaasi waxaa yiri ciyaar yahan ka hadlayey dhibaatada soo wajahda ciyaarhanada.

Wararka been abuurka ah ayaa la abuuraa oo la faafiyaa, iyada oo aan la hubin wax xaqiiqo ah.