1 min read

Ciidamada xoogga oo howlgal lagu ciribtirayo khawaarijta kawada inta u dhexeeyso degmada Gal-cad iyo Bud-bud

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta waxaana lagu burburiyay goobo Cadowga keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Howlgalka ayaa lagu dilay Maleyshiyaad fara badan oo ku dhuumaaleysanaya deegaan lagu magacaabo Gariyaale saraakiisha ciidanka ayaana Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howlgalkaan lagu dilay 18 dhagarqabe oo ay kujiraan horjoogayaal.