1 min read

Madax kala duwan oo Reer Yurub ah oo socdaal ku joogga dalka Tunisia.

Ra’iisul wasaarayaasha dalalka Talyaaniga iyo Holland, iyo guddoomiyaha guddiga Yurub, ayaa maanta ku sugan dalka Tunisia, iyagoo isku dayaya inay dib u bilaabaan wada hadal ku saabsan joojinta dadka tahriibka, ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

Georgia Meloni, Mark Rutte, iyo Ursula von der Leyen, ayaa la kulmi doona madaxweynaha dalka Tunisia, Kais Saied.

Waxa ay isku dayayaan inay heshiis ka gaaraan in Tunisia la siiyo in ka badan hal bilyan oo doollar, si ay u soo rogaan kontaroolada xuduudaha.

Maamulka Tunisia, ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen dadka tahriibayaasha ah, oo ay kamid tahay inay ka saareen magaalada Sfax, kadibna ay ka tageen iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo.

(Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in ku dhawaad ​​saddex boqol oo caruur ah ay dhinteen, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, si ay ugu gudbaan qaaradda Yurub sanadkan.)