2 mins read

Yaraanteeydii iyo Labaatan jir Mudug joogo.

Haddii aan Runta kuu sheego.

Ka hor intaan Gobalka Mudug loo qeeybin Laba Gobal. Waxaa la dhihi jiray: 20 jir Mudug joogo Allaah uma xilqarin.

Deegaanka aad ku nooshahay, waa in aad isku diyaariso sidii aad ula qabsan leheyd Xaaladihiisa nololeed. Waa in aad qaadato tababar aad naftaada iyo Hantidaada ku difaacdo, si aad Labadba u badbaadiso haddii Qof damco in uu Naftaada iyo hatidaadaba uu Xoog kula xad gudbo intii aad baryootami leheyd ama aad Carari leheeyd. Waxaan xasuustaa waayaheygii hore haddii aan Runta kuu sheego iyo sida ka muuqato Sawiradeeydii hore qaarkood.

1. Waa in Markasta aad ku dadaasho in aad jirkaaga dhisto kuna Layliso isticmaalka nuucyada kala duwan ee Hubkii markaa jiray. (F.S: 1aad)

2. Waa in aad Xoolahaaga si nabad ku heeysato (F.S: 2&3aad)

3. Waa in aad taqaan Waran tuurka, waxaan ku soo bartay Barxdaa u dhaw Saddaxda Dahar ee “Shilan Weged” ee Sawirka ka muuqdo (F.S: 4aad)

4. Waa in aad Barataa lagdanka haddii Gacabta la iskula tago ( F.S: 5aad)

5. Waa in Tolku marka uu shirayo aad u diyaar garoowdo, Difaaca dhaw ee Maalintii iyo kan fog ee Habeenkii ee heeganka ah (F.S: 6&7aad)

Hala yaabin diyaargarooga Reer Mudug. Islaamka ayaa na farayo in aan ku tababarano, Farda fuulka ” waxaan ku tababartay Faras la dhihi jiray- Joos) waxa kale oo Islaamku nafarayay in aan dhalinyarada barno waran tuurka oo ahaa Hubkii markaa jiray, waxaa kale oo islaamku na farayaa in aan barano Dabaasha” waxaan ku tababartay Biyaha fadhiyo ee Galka Masagawaay, laakin Maalintii iigu horeysay ee aan Bad arkay Biyo dhaqdhaqaqyo, waxa ay aheyd Mareeg – Siyaartii Sh. Daa’uud Culusow. waan galay, Baddii waa i qaaday, waxaana iga soo Badbaadiyay Ciise Axmed Cadaawe AHN. Laakin markii aan Magaaladda imid waxaan noqday Badmaax waxaana la i siiyay Buugga Badmaaxa iyo kan Seaman Union ee Caalamiga ah.

Markii aan Magaalada imid ee aan dhameeyay Dugsiga Sare, Dowladda ayaa noo dirtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xalane, taasi waa waajib Wadamada Dunida oo dhan Dadkoodu xatta hadeeynan Ciidan aheyn waa in ay qaataan Tababar Ciidan ileyn Difaaca Dalku waa waajib Qaran.

Labaatanjiroow Mudug joog ama meel kale jooge, waa waajib in aad barato sidii aad u difaaci leheyd Naftaada, Dadkaaga, Dalkaaga iyo Diintaada.
Ha ka fikirin “JIM iyo Six Pack’ oo kaliya oo aad ka leedahay Dan Adiga kugu kooban.

FG. Dhab ahaan intaasi waa qeyb ka mid ah Harjadkii Nolosha ee isoo maray.
Ka raali ahaada Sawirada 1-7 oo beri hore la iga qaaday, wakhtigaa Tayada Qalabka wax lagu sawiro ma fiicneyn.

Qore: Yahya Amir