1 min read

Ninkii loo fasaxay inuu ku gubo kutubta Towrah iyo Bible-ka Sweden ayaa ka hor yimid arrinkaas.

Ninkii la filayay in kutubta Towrah iyo Bible-ka ku gubo magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa ka baaqsaday falkaas.

Wuxuu yimid meel u dhow safaaradda Israa’iil ee magaaladaas halkaasoo oggolaansho loo siiyay inuu dibadbax ka dhigo, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn in la gubo kutub barakeysan, wuxuuna cambaareeyay sida nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka loo gubay bishii la soo dhaafay.

Ninkan oo lagu magacaabay Axmed oo kaliya ayaa sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu ka falceliyo arrintaas iyo sida ay muhiim u tahay in la xushmeeyo dhammaanba diimaha iyo kutubta barakeysan.

Warka ah in la fasaxay qorshaha lagu gubi lahaa kutubbadan ayaa aad looga cambaareeyay meelo ka mid ah adduunka.