1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Musuq-maasuqa.

Muqdisho,;-Iyadoo ay jiraan  Olole ka dhan ah la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku booriyay shaqsiyaadka wajahaya Eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.”Ha cararin haddii aanad tuug ahayn oo aadan waxba xadin,” ayuu yidhi. “Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddayso inaadan wax dambi ah lahayn maaha dembi.”

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta la dagaalanka musuq-maasuqa,Isagoo ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka inay wajahaan dacwado sharci ah halkii ay ka carari lahaayeen, wuxuu diray fariin adag oo ku saabsan sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka musuqa maasuqa iyo horumarinta cadaaladda.

Dowladda ayaa wada dadaallo ay ku doonayso in la helo islaa xisaabtan daahfuran si loo abuuro kalsooni ay shacabku ku qaban hay’addaha dowladda iyo cadaaladda,Maaddaama Soomaaliya ay ku sii socoto wadadii ay ku gaari lahayd xasilloonida iyo horumarka, taas oo door muhiim ah ka ciyaari doonta qaabeynta mustaqbalka dalka.

Madaxweyne  ayaa xusay in ay muhiimadda  gaar ah leedahay in laga wada shaqeyo sidii loo soo afjari lahaa Musuqa maasuqa, isagoo si gaar ah ugu baaqay Culima’udiinka in ay door firfricoon ka qaataan wacayi galinta bulshada ee ka dhanka ah  musus maasuqa, dhanka kale dhammaan muwaadiniinta ayuu ku booriyay in ay ka qaataan kaalintooda dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya.