2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kullamo kale oo wadatashi ayaa la qaban doonaa”,

Muqdisho.:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadii jimcaha kaga hadlay kulankii wadatashiga ahaa ee madaxdii hore uu la qaatay ayaa sheegay in la qaban doono kulamo kale oo wadatshi ah oo ay ka qeyb-geli doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhageysto tallada iyo aragtida Shacabka iyo mas’uuliyiintii hore iyo kuwa hadda hadda xukunka haya, taas oo horseedeysa in la gaaro go’aan mideysan oo ku saleysan horumarka iyo geeddi socodka nabadda.

” Odayaashaas siyaasiyiin hore oo Dalka soo xukuntay haddii ay tahay heer Dowlad dhexe iyo heer Dowlad gobolleed, kuwo kale oo hami leh in ay hadda dalka xukumaan raba ku jiray, waa isku nimiday labo maalmood oo dood aniga aragtideyda oo aad iyo aad u fiican ayay ahayd, ra’yi fiican, Araah fiican qurux badan qaarkood kuwii annaga aan qabnay ka qurux badan yihiin ayay walaalaheen soo jeediyeen, tixgelin ayay leeyihiin, shirkaas iyo shirar kale oo dambe ayaa la isku imaan doonaa,”.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka, wuxuuna balan qaaday in bilaha soo socda gudahooda lagu dhammeystirayo qabyo-qoraalka Dastuurka. Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu mamnuucay in Dastuurka bannaanka lala aado oo halkaas looga soo tashado sida hore u dhacday,islamarkaana lagu bixiyo lacago fara badan.

” Dastuurka bilo gudahooda inshallahu waa dhammeystireynaa, dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan (referdum) in loo qaado waa howl kale,tallaabo kale in la qaado waa,laakiin Buug la leeyahay, Buuggan waa dastuurkii oo dhammeystiran waa inuu naga yimaadaa, waxaan mamnuucnay in Dastuurka bannaanka looga soo tashado, Neefaasho iyo Stanbul lala aado, mamnuuc ma dhaceyso,Soomaali ayaa iska leh dalkan Soomaali gudihiisa ayaa looga taahanaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiinta ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.