1 min read

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee dalkaasi

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar aya a kulan la xiriiray dhanka waxbarashada la qaatay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee Masar Dr: Maxamed Samiir Xamsa.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaraddaasi ayaa waxa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya iyo Madaxa Waxbarashadda ee Safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka aya uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Masar deeqaha Waxbarasho ee dalkeenna la siiyo isago xusay xiriirka Waxbarasho ee Masar iyo Soomaaliya inuu yahay mid muddo fog soo jiray, islamarkaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo ,wuxuuna Wasaaradda Tacliinta Sarre ku amaanay iney marar badan xalliyeen caqabado kalla duwan.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay mashaakilaadka ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan nidaamka cusub ee ay sanadkaan soo kordhisay dowladda Masar ,wuxuuna isagoo ka duulaya caqabadaha tagaan ee soo wajahay qaar kamid ah Ardayda Soomaaliyeed soo jeedoyay in la adkeeyo  xiriirka laba geesoodka ee waxbarashadda Soomaaliya iyo Masar.

Dhanka kalle Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee Masar ayaa dhankiisa ballan qaaday in sidda ugu dhaqsaha badan loo xallin doono mashaakilaadka haysta Ardayda Soomaaliyeed isagoo Safiirka ku bogaadiyay inuu yahay Masuul garanaya Ahmiyadda ay leedahay waxbarashada