1 min read

Madaxweyne Putin “sahayda hubka reer galbeedka ee ku socda Kyiv ma bedeli doonto habka dagaalka..”.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin  ayaa sheegay in taangiyada ajnabiga ah ee reer galbeedka ay bartilmaameed mudnaanta leh ku yihiin ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine,

Putin, oo la hadlay telefishinka qaranka Khamiistii ayaa sidoo kale xaqiijiyay mowqifkiisa ah in xubinnimada Ukraine ee NATO ay khatar gelin doonto ammaanka Ruushka ,isagoo caddeeyay in bixinta hubka reer galbeedka ay sii kordhineyso xiisadda iyo walaaca caalamiga ee jira.

Mar wax laga weydiiyay go’aanka Faransiiska uu ku siinayo Ukraine gantaallada riddada dheer ee socon kara 250km, Putin wuxuu yiri “Haa, waxay geystaan khasaare, laakiin ma jiraan wax khatar ah oo ka dhacaya aagga dagaalka.”

Hadalka Putin ayaa daba socda madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiistii sheegay in Ruushka uu mar hore ku guuldarreystay dagaalka Ukraine,wuxuuna ibtaa raaciyay in weerarrada ay wadaan ciidamada Ukraine ay Moscow ku riixi doonaan miiska wada xaajoodka.