1 min read

Isku aadka koobka adduunka 2026 ee dalalka Afrika oo la sameeyay

Magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa lagu sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.

Ciyaarahaan ayaa socon doona muddo ku dhaw 2 sano, waxaana dal kasta oo Afrika ah uu dheeli doonaa 10 ciyaarood.

Soomaaliya sanadkaan waxay fursad weyn u heysataa ka qeyb galka koobka Adduunka ee 2026.