1 min read

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo booqanaaya Xuduuda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana la filayaa in wasiirku booqdo deegaanno laga cabsi qabo inay Al-Shabaab ka geystaan weerarro.

Deegaanadaas ayaa ah kuwa ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaanna magaalada Wajeer.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weerarro ka geysanayay deegaanada dhaca soohdimaha ay labadan dal wadaagaan.