1 min read

Faah faahin: Qarax is-miidaamin ah oo saraakiil lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Gudaha xerada Saraakiisha ee kutaalla agagaarka wasaaradda gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ruux soo xirtay Jaakad ay ku raran yihiin waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Goob ay xerada Saraakiisha kaga sugnaayeen Saraakiil Ciidan iyo dad Shacab ah, goobtaas oo aheyd meel mashquul badan.

Dad  isugu jira shacab, saraakiil iyo askar ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana dadka dhintay kamid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Magaalada marka, sidoo kalena mar soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellaha hoose & Sarkaaliil kale

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa gabi ahaan xiray xerada qaraxa ka dhacay, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli faah faahin ka bixin qaraxaas, waxaana siweyn looga dareemay Gudaha Xerada Saraakiisha iyo Xaafadaha ku dhow dhow ee degmada Hodan.