1 min read

Boqolaal Soomaali ah oo u duceesay dadkii ku dhintay iskudaygii afganbi ee horey uga dhacay Turkiga.

Boqolaal shacab ah oo maanta salaadda Jumcaha ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa u duceeyay dadkii ku dhintay afganbigii fashilmay ee 15 Luuliyo 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ahna kusimaha wasiirka mudane  xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali, uqaabilsanaha safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda Tikka ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabaddaasi  kooban ee loogu duceeyay dadkaasi ,

Munaasabadda ducacada ah ayaa lagu soo bandhigay sawirro ka turmaya waxa ka dhacay Turkiga 15-kii Luuliyo 2016-kii iyo sida geesinimada leh ee dadka Turkiga ah ku wajaheen  afganbigaas fashilmay ee lagu doonayay in Dimuqraadiyada dalkaas afka dhulka loo galiyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ahna kusimaha wasiirka mudane  xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali iyo Boqolaalkii shacab ee salaadda ku tukaday Masjidka ayaa Alle uga baryay in uu dadkii ku dhintay afganbigaas uu siiyo naxariis janno.