1 min read

Al-Shabaab oo weerartay deegaanka Wargaduud oo ka tirsan Waqooyi Bari Kenya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaduud ee maagaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay halkaasi weerar ku qaadeen koox loo maleeynayo inay ka tirsanyihiin ururka Al -Shabaab.

Dhimasho ayaa la soo warinayaa iyo in sidookale ay kooxdu burburiyeen anteenada shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ku taallay halkaasi.

Laamaha amaanka oo aan la xirriirnay ayaa waxay inoo sheegeen inay howlgal wadaan.

Al-Shabaab ayaa qoaal ay so dhigeen bartoooda internetka ku sheegay inay fuliyeen weerarkaasi.