1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah furay shir Isbeddelka Cimilada+Video

Muqdisho, :- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay shir heer caalami ah oo lagu midaynaayo barnaamijka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan,ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.

Wasiirka deegaanka iyo is badelka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa faah faahisay Hindisaha Cagaarinta Afrika ee Madaxweynuhu daahfuray wasiir Khadiijo ay sheegtay in ay Soomaaliya muddo dheer ay wajahaysay Xaalufka Deegaanka iyo isbadelka Cimilada oo ay sababtay  dhibaatooyin dhanka Fatahadaha,Abaaraha,Daadadka iyo xeebah oo ay soo buux dhaafiyeen bacaad fara badan  oo ku soo guuray taas oo dhibto ku noqday Deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ka duulay ka jawaabaya dhibaatooyinka soo wajahay Deegaanka waxaa u ku dhawaaqay qorshaha Deegaanka Cagaaran si wax looga qabto dhibaatada Deegaanka.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka Daahfurka Hindisaha Cagaarinta Afrika ee Madaxweynuhu daahfuray.