1 min read

In ka badan 16-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay Jubada hoose.

Kismaayo : – Ciidanka Kumaandooska Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa caawa burburiyey saldhig ay Khawaarijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku dileen ilaa 17 dhagar qabe oo ka tirsan Al-Shabaab.

Tiro maleeshiyo ah oo dhawaan ka soo qalinjabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka degmada Bu’aale ayaa howlgalka lagu beegsaday, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ciidanka ayaa noo xaqiijiyey in Khawaarijta lagu laayey howlgalka caawa ay u badnaayeen ajaanib ku soo gardarootay dalkeena.