1 min read

Ciidamada Sirdoonka oo hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyey xuduuda labada Shabeelle.

Muqdisho:- Ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduuda ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis, waxaana howlgalladaas lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar la leeyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidanka hey’adda NISA ayaa howlgalladaas ku burburiyey goobo ay ku dhuumaaleysan jireen Khawaarijtii isaga carartay deegaanadaas, waxaana hawlgalkan uu qayb ka yahay guluf ka dhan ah kooxda ee ka socda gobollada dalka qaarkood.