1 min read

Al-Shabaab oo qabsatay mid ka mid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ATMIS.

Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhammaadka bishii hore ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa VOA u sheegay inay Al-Shabaab halkaasi soo weerareen maanta barqadii, ayna la wareegeen.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Geriley kadib weerarka al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaankaas kadib iska horimaad dhacay.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen inay qabsadeen saldhig ay deganaayeen ciidamdan KDF ee degaankaas muddada gacanta ku hayey.

Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM.

Geriley waxay ka mid ahayd lix saldhig oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamdaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe.

Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in hawlgal dhacay toddobaadkan lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Hawlgalkan ayaa hay’addu sheegtay inuu ka dhacay nawaaxiga Weel-Maarow 12-kii Julay, waxayna intaas ku dartay in maleeshiyaadka la dilay ay ku jireen kuwo kasoo jeeda Itoobiya iyo Kenya, inkastoo aysan hay’addu soo bandhigin caddaymo muujinaya sheegashadaas.