18 May, 2024
1 min read

DEG DEG: Qaraxyo aad u xooggan oo goor dhow laga maqlay inta badan Xaafadaha Muqdisho.

Qaraxyo xooggan ayaa goor dhow abaare 8:15 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Jugta qaraxan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu ka dhacay degmada Xamar jajab.

Qarax kale oo ka weyn kii hore ayaa sidoo kale goor dhow la maqlay weli lama hayo faahfaahinta qaraxyadan iyo khasaraha ka dhashay.