1 min read

Xubnaha Golaha Wasiirrada cusub oo Baarlamaanka lagu hordhaariyay+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo qeybinta ajandayaasha guud ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Golaha, Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa dul istaagay sidii Xildhibaannada ay ugu hoggaansami lahaayeen Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, isagoo sheegay in la ilaaliyo anshaxa Xildhibaan ka uu leeyahay. Guddoomiyaha ayaa xusay in kalfadhiyadii 1-aad iyo 2-aad la qaaday talaabo aad u wanagsan, taas oo muhiim u ah hanaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhanka kale Xildhibaannada ka codsaday in kalfadhigan aad loogu doodi doono dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo muhiimad gaar ah siinaya ku dhaqanka iyo fahanka dowladnimada dalka.