1 min read

Ciidanka Xoogga Dalka oo dilay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

40 ka tirsan Khawaarijta oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka, sidookale khawaarijta waxaa lagu dilay madaxii Maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow.

Degaanka Weel-Maaroow ayaa 42-KM u jirta dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin horjoogayaal sare sare ee Kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.