1 min read

Diyaarad ka timid Garoowe oo ku soo dhacday garoonka Aadan Cadde.

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Halla Airlines oo ka soo duushay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhacday garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho.

Rakaabkii saarnaa diyaaraddaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawacyo fudud.

Diyaaradad oo uu dab kacay ayaa ugu dambeyntii la damiyay.

Waxaa marka hore soo baxayay warar sheegaya inay diyaaraddaasi saarnaayeen ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid balse diyaaradda dhacday ma ahayn midda ay saarnaayeen mas’uuliyiintaas.