1 min read

Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow iyo magaciisa.

Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada lagu ugaarsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaad  khawaarijta Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gobollada Jubbooyinka.
Markan, waa howlgal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Welmarow oo qiyaastii 50-km dhinaca Bari Bari beegan degmada Afmadow ee gobolla Jubbada hoose.

Howlgalkan, waxaa lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray ” Cabdiraxmaan Raambow” kaas oo ka soo jeeda  degmada Xagar ee gobolka Jubbada Dhexe,waxaanna la sheegay inuu ahaa dhagar qabe aan jixin-jixin dhibaato badanna ku hayay dadka ku nool Jubbada hoose.

Horjoogahan la dilay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa in lacagaha iyo xoolaha uu uga soo dhaco Khawaarijta dadka deegaansanaya Tuulooyinka iyo dhulka Miyiga ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan lagu soo afjaray dhibaatada uu shacabka Soomaaliyeed ku hayay horjoogahani inta uu socday waxaa lagu qabtay xubo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab, sidoo kale, ciidamada iskaashanayay ayaa qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo dhammaantood la geeyay degnada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ku dhuumaleysanaya gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo isku dayaya in ay ka baxsadaan gacanta Dowladda, balse ciidanada xoogga Dalka ayaa wacad ku maray in ay soo afjaraan cid kasta oo fikirka xagjirka ah ku faafineysa Soomaaliya.