1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir muhiima ku casuumay madaxda xilka haysa iyo kuwii hore.

Muqdisho :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay madaxda talada haysa iyo madaxdii hore si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmaya maalinta barri ah, waxaana ka qaybgalaya madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaareyaashii hore iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Wufuudda ka qeybgaleysa shirkan ayaa qaar ka mid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho.