1 min read

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Cumar C/rishiid iyo Cabdiwali Gaas oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho :- Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirishiid iyo Cabdiwali Cali Gaas ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,iyagoo ka qaybgali doona shirka Berri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Waxaa horay magaalada loogu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin R/wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan.