5 mins read

Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Shariif, C/Qaasim iyo Farmaajo maxay ka yiraahdeen ka qayb galka Shirka Muqdisho?

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid shir ay dawladda federaalka Soomaaliya ku baaqday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo lagu martiqaaday madaxdii hore hogaanka u soo qabatay oo ay ku jiraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal baarlamaan iyo madax kale oo hore dalka xilal uga soo qabatay.

Ujeedada shirkan la isugu yeeray, martiqaadkana loo fidiyey ayaa ah sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hanaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska Raysal wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulan uu qeyb ka yahay wada tashi madaxweynuhu la yeelanayo qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu casuumaday dhammaan madaxdii hore. Kulanka oo horey loogu qorsheeyay in uu qabsoomo maanta ayaa waxa uu dib ugu dhacay berri oo Arbaco ah. Madaxda casuuman waxaa ka mid ah dhammaan madaxweyneyaashii hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Maxamed Cusmaan Jawaari.

Yaa la filayaa inay ka qayb galaan, yaase ka qayb gali doonin?

BBC waxay xiriir la sameysay madaxda la casuumay qaarkood, oo u xaqiijiyay inay ka qeybgalaan shirka, halka kuwa kale na ay ka cudurdaarteen ka qeybgalka shirka. Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wuxuu BBC u sheegay in dhankooda, xisbiga Himilo Qaran, oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay shirka ka qayb gali doonaan.

“Halkaas ayaan taladeenna iyo ra’yigeenna ka jeedin doonnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid. Laakiin waxaa jira walaac ay muujiyeen qaar ka mid ah dadka lagu casuumay, iyadoo madaxda qaar ay doonayeen in shirka lagu koobo xubnaha diidmada kala horyimid heshiiskii madasha qaran oo keliya.

Madaxda kale ee la filayo inay Muqdisho tagaan si ay shirka uga qayb galaan waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa sidoo kale na loo xaqiijiyay in la casuumay Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble oo ah raysal wasaareyaal hore, iyo rag hore oo xilalkaas soo qabtay. Madaxtooyadda Soomaaliya ma xaqiijin inta aqbashay ka qeybgalka shirka iyo inta ka cudurdaaratay.

Laakiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa BBC u xaqiijiyay in ka cudurdaartay ka qayb galka shirka, oo uu soo dhaweeyay in uu qabsoomo. Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa ayaa BBC u sheegay sababta uu Farmaajo uga baaqanayo shirka.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,” ayuu yiri Cabdirashiid. Weli waxaan war laga hayn in madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu ka qayb gali doono iyo in kale.

Ajendaha

Ajendaha shirkan oo ah nidaamka doorashada dalka ka dhici doonta ee qof-iyo-cod ayaa muran weyn ka dhalisay saaxada siyaasadda e Soomaaliya. Doorashada kaliya ma aha waxa aan la isku afgaran waayay ee waxaa ka mid ah in dalku yeesho hannaan qof iyo cod ah, oo min golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha ay dadku doortaan.

Waxaa kale o qorshahaas uu soo jeedinayaa in muddo xileedka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay noqon doonto shan sano, halka markii hore ay ka ahayd afar sano, in dalku yeesho madaxweyne ku xigeen iyo laba xisbi siyaasadeed oo awoodda ku tartama.

Diidmada qorshaha lagu go’aamiyey kulankii madasha

Dhinacyada siyaasadda ee qorshahaas aadka uga biyo diiday waxaa ka mid ah maamul-goboleedka Puntland oo markii horeba qayb aan ka ahayn shirkii madasha wadatashiga ee lagu go’aamiyey qorshahaas.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa sheegay in waxa ka soo baxay shirkan ay u arkaan mid afduub ah.

“Dalkan xilligii uu burburay waxaa heshiis lagu gaaray dastuur ku meel gaar ah, in la dhammeystiro kadibna afti dadweyne loo qaado, la ansixiyo sidaasna dalku dastuur ku yeesho, federaalna uu dalku yahay.

“Hadalka madaxweynaha waxaa ka muuqda in madaxweynaha iyo kooxda la joogtay a ku heshiiyeen in dastuurkii dalka iyo wax kasta oo heshiis lagu ahaa la laalo,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn in habeen gudihiis sida uu sheegay la laalo wax walba oo horey lagu heshiiyay.

“In wax walba afgembi siyaasadeed laga soo qaado, oo kacaankii oo aan qoryo sidan ayaa meesha ka muuqata,” Ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegta in Puntland ay kula jirto wada hadallo, isla markaana la xallin doono khilaafka dhex yaalla.

Puntland waxaa dhowaan ka qabsoomay hannaanka doorashada qof iyo cod ah ee golaha deegaanka, taasoo in muddo ah laga shaqeynayay sidii ay u qabsoomi lahayd.

Warar ay BBC ka heshay madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegayaan in dawladda Soomaaliya ay goor aan fogeyn ku dhawaaqi doonto qabashada shirka madaxda dalka ee wadatashiga ee iminka baaqday, ayadoo doonaysa in aysan ku guul darraysan in barnaamijkeeda ay ka gaddo dhamaanba dhinacyada ugu tunka weyn siyaasadda Soomaaliya.

Xigasho:BBCSomali