1 min read

Midowga Afrika oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaalia ee Addis Ababa.

Addis Ababa :- Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika danjire Muusa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku soo dhoweeyey danjiraha Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee midowga Afrika ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, sidoo kale mudane Faki ayaa safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad celiyay midowga Afrika kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, waxaana danjire Warfaa kulanka ku weheliyay qaar kamid ah diblomaasiyiinta Safaaadda Soomaaliya ee Addis Ababa.