1 min read

In ka badan 50- ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo horjogayaal oo lagu dilay G/ jubada hoose.

Kismaayo :- Hawlgal burburin ah oo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan Khawaariijta, kuwaas oo ay ka mid yihiin horjoogeyaal.

Madaxii maaliyadda ee deegaanka Weel-maaroow ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandoosta Danab iyo kuwa Jubbaland ay maanta ka fuliyeen deegaanka Weel-maaroow oo 45 km dhinaca woqooyi bari ka xiga degmada Afmadow.

Ciidamada ayaa nolosha ku qabtay tiro maleyshiyaad ah, hub iyo gaadiid dagaal sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Todobaadkan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa todobaadkan hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Jubada hoose, waxaana maleeshiyada laga saaray deegaano ay cadaadis ku hayeen 10-sano ka badan.