1 min read

Wasaaradda Caafimaadka oo olole cayayaanka lagu buufinayo ka bilowday xeryaha barakacayaasha Baydhabo

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Qeybteyda  Duumada oo kaashaneysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ololaha buufinta cayayaanada ka wada kaamamka ay deganyihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaala Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ololahan oo socon doona mudo 20 maalmood ah ayaa loogu talagalay in looga jawaabo xaalado Caafimaad daro la xariirta oo ay sababeen cayayaanada oo mudooyinkan dambe laga soo sheegayay kaamamka ay degan yihiin dadka nugul ee barakacayaasha ah.