1 min read

Shacabka magaalada Xagar oo si diiran u soo dhaweeyey ciidamada qalabka sida+Sawirro

Shacabka magaalada Xagar ayaa si diiran  soo dhaweeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland , kuwaasi oo goob fagaare ah isugu soo baxay, iyagoo muujiyey sida ugu faraxsanyihiin guusha ay ciidamada qalabka sida soo hooyeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Shacabka Xagar  kula hadlay Bartamaha Magaalada waxaana ay uga Mahadceliyeen sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen  iyagoo usoo jeediyay inay ciidanka kala shaqeeyaan ciribtirka Khawaarijta.

Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ka mid goobaha ay Khawaarijtu muddo dheer shacabka ku dhibaateyneysay, waxaana ay ciidamada ku guda jiraan howlgalka khawaarijta dalka looga xoreynayo.