1 min read

Danjire Kullane oo ka qeyb galay madasha iskaashiga caalamiga ah ee Shiinaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha  Danjire Cawaale Kullane, ayaa ka qayb galay shirka heerka sare ee hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ee Madasha Wax-qabadka Caalamiga ah ee horumarinta wadaagga oo ka dhacay xarunta saaxiibtinimada ee magaalada Beijing.

Madasha CIDCA, oo ah madal la aasaasay ka dib wada-hadalladii heerka sare ee madaxweyne Xi Jinping ee horumarinta Caalamiga ah ee 2022, waxay u adeegtaa sidii loo kicin lahaa iskaashiga caalamiga ah iyo isdhaafsiga fikradaha ku saabsan yoolalka horumarinta la wadaago.

Danjire Kullane, ayaa ka qeybgalkiisa firfircoon wuxuu tusaale u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga horumarinta caalamka, waxayna soo bandhigtay xiriirka xooggan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ka qayb galay doodo xeeldheer oo ku saabsan yoolalka horumarineed ee la wadaago ee golayaasha isbarbar-dhigga ah. Aqoonta Danjire Kullane ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka, waxbarashada, iyo tayaynta waxay ahayd mid aad u sareyso. Shaqadiisu waxay iftiimisay guulaha Soomaaliya, aragtiyaha iyo caqabadaha ku wajahan horumar waara.

Amb. Kullane waxa uu fursad u helay in uu fikrado la wadaago wafuudda kale. Is dhexgalka iyo wada hadalka wakiilada waxaa uu albaabada u furayaa curashada iskaashi faa’iido leh.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ayaa soo qaban qaabisay munaasabadan muhiimka ah, Danjire Kullane, ayaa uga mahadceliyay madasha sida ay uga go’an tahay kor u qaadista iyo kobcinta aqoonta xiriirka ku saleysan.

Ugu dambeyn. Ka qeyb galka Danjire Kullane ee Madasha CIDCA ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumar waara iyo xiriir faa’iido wadaag ah oo ay la yeelato Shiinaha iyo caalamka.