1 min read

Xildhibaanno soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee PUntland.

Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee Puntland.

warqad ay soo saareen kooxdu ayey kusoo jeediyeen shan talo oo guud ahaan ku saabsan Puntland, waxaana ka mid ahaa “in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qayb qaato xoreyntiisa”.

Dhanka doorashada ayey ku baaqeen in lagu qabto xilligeeda oo ah 8-dda bisha kowaad ee sannadka inagusoo aaddan “laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagusoo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka,” maadaama waqtigii xukuumadda Puntland ee hadda uu gabgabo yahay ayna adagtahay in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto cilligeeda,” ayaa lasii raaciyey bayaanka.

Hoos ka eeg liiska magacyada xildhibaanada iyo shanata qodo oo dhameystiran.