1 min read

Xuutiyiinta Yemen oo deegaanada ay ka taliyaan ka mamnuucay isticmaalka alaabta laga keeno Sweden.

Ka dib markii uu dhamaadkii Juunyo nin uu Sweden ku gubay nuqul kitaabka Kariimka ah ee Qu’aanka, waxay Xuutiyiinyta Yemen hir geliyeen in ay ka joojiyaan dhulka ay ka taliyaan isticmaalka alaabta laga keeno Sweden , sida lagasoo xigtay talefishanka Xuutiyiinta ee ALMasirah TV.

Wasiirka ganacsiga ee Xuutiyiinta, Muxamed Sharaf Al Mutahhar ayaa sheegay in mamnuuciddu ay hir gashay sabtidii kadib markii go’aanka lagu dhawaaqay afartii Luulyo, wuxuuna dalalka Islaamka ugu baaqay in ay qaadaan tallaabo la mid ah tooda.

“Yemen waa dalkii u horeeyay ee Dalalka Muslimiinta ah kaas oo mamnuuca alaabta laga keeno Sweden gubistii Quraanka awgeed,” ayuu yiri AL Masirah.

Waaxda ganacsiga ee Xuutiyiinta ayaa ku talisay in la xannibo liis 30 wakaaladood ah iyo alaabta ay soo saaran 100 shirkadood oo Sweden laga leeyahay.