2 mins read

Halka ay Soomaaliya kaga jirto shanta dal ee dadkoodku Muslimiinta u badan yihiin.

Wadamada ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan ayaa la shaaciyay iyadoo lagu saleynayo inta boqolkiiba ay ka yihiin muslimiinta ku nool dalkaas.

Sida laga soo xigtay World Index, wadamada sida Mauritania, Soomaaliya, Tunisia, Afganistan, Iran, Turkiga, Yemen, Aljeeriya iyo Marooko ayaa ah ku dhawaad boqolkiiba boqol Muslimiin.

Wadamada ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu yar ayaa waxaa ka mid ah Talyaaniga, Canada, Australia, Mareykanka, Brazil, Kuuriyada Waqooyi, iyo Vatican City.

Waxaan marka hore ku bilaabeynaa waddamada ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan marka loo eego boqolkiiba boqoleey amaba ka sarreeya boqolkiiba sagaashan.

1: Mauritania 100%

Waa dalka keliya ee boqolkiiba boqol dadkiisu yihiin Muslimiin. Waxa uu ku yaalla qaaradda Afrika. Mauritania waa dalka 11-aad ee ugu weyn qaaradda Afrika, marka adduunka la eegana waa dalka 28-aad ee ugu weyn adduunka.

2: Soomaaliya 99.8%.

Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ku jirta. Boqolkiiba 99.8 ayaa dadkeedu yihiin Muslimiin sida laga soo xigtay World Index. Soomaalida qaar ayaa aaminsan in Soomaaliya dadkeeda yihiin boqolkiiba boqol.

3: Tuniisiya – 99.8%

Dalkan oo ku yaalla qaaradda Afrika ayaa soo galay kaalinta saddexaad waxaana ku nool Muslimiin gaaraya boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic sideeddeed.

4: Afghanistan – 99.6%.

Waxaa isna ku yaalla qaaradda Aasiya waxa uuna galay kaalinta afaraad. Boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic lix ayaa Muslimiin ka ah dadka ku nool.

5: Iran – 99.4%.

Waxa uu ku yaalla bariga dhexe. Musliminta ku nool ayaana ah boqokiiba sagaashan iyo sagaal dhibiclix inkastoo ay u badan yihiin firqada Shiyacada.

Waddamada kale ee ku jira liiska dalalka ka korreeya boqolkiiba sagaashan ayaa kala ah:

Turkiga – (99.2%) Boqolikiiba sagaashan iyo sagaal dhibic labo dadkiisu waa Muslimiin.

Yemen – 99.1% Dadka ku nool ayaa boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic hal ah.

Algeria – 99%

Morocco – 99%

Maldives – 98.4%

Niger – 98.3%

Palestine – 97.5%

Jordan – 97.2%

Saudi Arabia – 97.1%

Sudan – 97%

Libya – 97%

Azerbaijan – 96.9%

Tajikistan – 96.7%

Pakistan – 96.5%

Uzbekistan – 96.5%

Iraq – 95.7%

Syria – 93%

Egypt – 92.3%

Bangladesh – 90.4%

Marka laga soo tago dalalka ay Muslimiintooda ka sarreeyaan boqolkiiba sagaashan ayaa waxaa jira dalal kale oo dhexda ku jira oo boqolkiiba soddon ka sarreeya waxaana ka mid ah:

Indonesia – 87.2%. Dalkan oo ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa la sheegaa in marka tira ahaan la eego ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin balse marka ay noqoto boqolkiiba boqol ayaa waxa uu soo galay kaalinta saddexaad.

Kyrgyzstan – 80%

Qadar – 77%

Isutagga Imaaraadka Carabta – 76%

Kuwait – 74%

Kazakhstan – 70%

Malaysia – 61%

Albania – 58%

Lubnaan – 57%

Tanzania – 35%

Dalalkan hoos ku xusan ayaa waxay ka mid yihiin dalalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu yar marka lagu saleynayo boqoleeyda.

Israa’iil – 18%

Singapore – 14%

Hindiya – 14%

Ruushka– 13%

Faransiiska – 8.8%

Ingiriiska- 6.3%

Jarmalka – 5.7%

Giriigga – 5.7%

Talyaaniga – 4.8%

Canada – 3.2%

Australia – 2.6%

Mareykanka – 1.1%

Brazil – 0.36%

Kuuriyada Waqooyi – 0.01%

Vatican City – 0%

Xigasho:BBCSomali