Wasiirkii Maaliyadda oo si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.
Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya ee xilka qaadista lagu sameeyay Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Cilmi Maxamuud nuur ayaa waxaa uu ku sheegay intii uu xilka haayay uu hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay xilka qaadista lagu sameeyay.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiirkii Maaliyadda ee xilka laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur.
Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.
Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.
Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool ah ugu adeegno dadkeena.
Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.
Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.