1 min read

Xiisad ka taagan degmada Afgooye iyo Goobahii ganacsi ee Suuqaas oo xiran.

Wararka ka imaanaya Degmadaa Afgooye ee gobolka shabeelaada Hoose ayaa sheegaya in gabi’aahanba Goobihii ganacsiga Suuqa degmada Afgooye uu saakay xiran yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada Suuqa degmadaa Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose maanta ay go’aan ku gaareen in ay xeraan suuqaasi .

Goob jooge laa hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Sababta loo xiray Suuqa degmada Afgooye tahay  in laba qof oo sheeganaya milkiyada Suuqaasi ay is heystaan Milkiyada Suuqa Ariga degmada Afgooye islamarkaana ganacsadata ay Albaabada u laabeen Xarumaha ganacsi ee suqaas.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ay is  horfadhiyaan maleeshiyo ka socota labada dhinac taas oo keentay in Ganacsatada Degmada Afgooye ay xiraan Goobaha ganacsiga suuqaaas .

Sidoo kale Ganacsatada Suuqa degmada Afgooye ayaa ka cabanaya Afduub ku soo kordhay Suuqaa oo kooxo aan la garaneyn ay Halkaas  Dadka ka Afduubtaan kadib lacago madax furasho ah ay  qaataan si ay u sii daayaan Dadka ay Afduubtaan.

Dawlada Federaalka Soomaaliyaa iyo Maamulka Koofur galbeed ayaa laga  Codsaday in ay wax ka qabtaan Xiisada ka Taagan Suuqa Ariga degmada Afooye iyo Cabshada ka soo yeereys Ganacsatada Suuqaasi.