1 min read

Kooxda Al-Nassr oo heshiis la gaartay tababare Luís Castro.

Cristiano Ronaldo ayaa helay macallin cusub Khamiistii markii Al-Nassr ay ku dhawaaqday inay shaqaaleysiisay saaxiibkiis tababaha reer Portugal Luís Castro.

Kooxda Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay magacaabistan, xilli ay ku jirtay tababarka xilliga ciyaaraha saaxiibtinimo oo ay ku qaadaneyso Portugal.

Lama sheegin sannadaha qandaraaska tababarahan.

Castro waa tababarihii ugu dambeeyay ee toddobaadkan shaqo ka hela Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee qaniga ah, kadib Jorge Jesus oo jooga Al-Hilal iyo Steven Gerrard ee Al-Ettifaq.

61-jirka reer Portugal ayaa si weyn loogu yaqaannay labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Ukraine, iyadoo Shakhtar Donetsk xilligaas gaartay guulo waaweyn oo ay ku jirtay guuldarradii Real Madrid wareega group-yada ee Champions League 2020-21.

Waxa uu xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kooxda Brazil ee Botafogo.

 

AP.