1 min read

WFP oo yareysay raashinkii qaxootiga Dhadhaab.

Hay’adda cunnada Adduunka ee WFP ayaa dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab u sheegtay in raashinkii deeqda ahaa ee la siin jirey qaxootiga la dhimayo 20% laga billaabo bishan July.

Hay’adda oo warkaa dadka ku gaarsiisay fariimo ay ugu dirtay telephone-nada gacanta ayaa talaabadaa ku macnaysay dhaqaale yari soo wajahday hay’adda.

Raashinka la dhimay ayaa si aad ah u saamaynaya dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab , iyada oo dadka ugu sii daran ee talaabadaa u dhutin doonaa ay yihiin dadka xeryaha ku cusub ee aan iyagu weli loo aqoonsan qaxootiga rasmiga ah.