1 min read

Madaxweynaha Arsenal taageera oo walaaca ka muujiyay in kooxda qarankiisa ay sixir adeegsadaan.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado arrimaha saameynaya kubadda cagta Rwanda oo ay ka mid yihiin in sixir uu ku lug leeyahay.

Mar uu ka hadlayay barnaamijka ‘Wedii Madaxweynaha’ ee telefishin dalkaas laga leeyahay ayaa wuxuu Kagame sheegay in dadka qaar, gaar ahaan tababarayaasha ay ku dhaqmaan waxyaabo aan maangal ahayn sida sixirka.

“Intii ay tababar ku filan qaadan lahaayeen, waxaad arkeysaa inay ku lug leeyihiin sixir iyo laaluush, taasoo ah waxa ugu horreeya ee u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri.

Kooxda kubadda cagta qaranka Rwanda ayaa mar qura keliya ka qeyb gashay Koobka Qaramada Afrika, sanadkii 2004.

Mr Kagame waa taageero caan ah oo kubadda cagta ah, wuxuuna taageeraa kooxda Arsenal. Waaxda Dalxiiska Rwanda ayaa qandaraas lagu murmay oo ku kacaya £30m ($42m) la gashya naadiga sanadkii 2018.