1 min read

Dowladda Brazil ganaax lacageed duldhigtay ciyaaryahan Neymar

Dowladda Brazil ayaa sheegay Isniintii in xiddiga kubbadda cagta Neymar lagu ganaaxay 16 milyan oo lacagta dalkaas ah oo u dhiganta ($ 3.33 milyan) kadib markii uu jabiyay xeerarka deegaanka intii lagu jiray dhismaha gurigiisa oo ku yaalla koonfurta bari ee Brazil.

Mashruuca dhismaha guriga raaxada ayaa jebiyay xeerarka ku saabsan isticmaalka iyo dhaqdhaqaaqa ilaha biyaha saafiga ah, dhagaxa iyo ciidda. Eedan oo hore loogu jeediyay Neymar ayaa maamulka maxalliga ah markii ugu horreysay xaqiijiyeen Isniintii.

Afhayeen u hadlay Neymar ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan.

Hoyga Neymar waxa uu ku yaalaa magaalada Mangaratiba oo ku taal xeebta koonfureed ee gobolka Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Ganaax ka sokoow, kiiska waxaa baari doona xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka, booliiska madaniga ah ee gobolka iyo xafiiska ilaalinta deegaanka, iyo hay’adaha kale ee ilaalinta deegaanka.