1 min read

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga Galcad.

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee  kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab iyo Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu baacsanayo kooxda khawaariijta ee Alshabaab ka sameeyay deegaannada iyo dhulka howdka ah ee hoosyimaada dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Deegannada ay ciidamadu howlgalka ka seemeeyeen waxaa ka mid ah Ceel xaaji, Ceel timir,  Ceel Cali Afrax  iyo dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceel Cali Afrax iyo Towfiiq kooxda khawaarijta ah ayaa ka firxaday qeyba ka mid ah deegannadaas oo ay si dhuumaaleeysi ah ku yimaadeen.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ay sii joogteyn doonan baacsiga khawaarijta.